Mer info om vårt nyhet om Korona

Isdiiwaan gelinta Leksehjelp ga.

Ogeysiis.

Fadlan intaadan isdiiwaan gelin, akhri qoraalka hoose !!!.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Fredrikstad, waxay bilaabaysaa barnaamij Leksehjelp ah, oo ardayda laga caawin doono casharada iskuulka ku adag.

Barnaamijkaan waxaa lagu billaabi doonaa tiro aad u kooban, ugu badnaan 50 arday ah, waxaan xooga saari doonnaa ardayda karakter-kooda uu ka hooseeyo 4, ee dhigta Ungdomskole iyo Videregående skole, sidoo kale waxaa qaadan doonnaa ardayda dhigata Barneskole, fasallada 6 aad iyo 7 aad.

Si aan u gaarno qoysas badan, waxaa dhici karta, waalidinta soo diiwaan geliyay caruur badan, in ilmahooda qeyb laga reebo. Sidoo kale, sida loosoo kala horeeyay baa loo kala mudnaan doonaa, waxaase cidkasta ka mudnaan badan, waalidka bixiyay medlem ka jaaliyadda.

Jaaliyadda waxay soo qabatay dhalinyaro macalimiin noqon doonta, oo tayo leh, dabcan waa barnaamij culus oo dhaqaalo ku bixi doon, lacagtaas waxay ka imaan doontaa waalidka, lkn sanadka koowaad jaaliyadda waxbay ka caawin doontaa.

Fadlan waalid, soo diiwaan geli caruurtaada, adigoo soo qori doona magacyadooda, iyo maadooyinka ay ku liitaan, ee dhibcahooda ama karakter kooda uu ka hooseeyo 4.

Dhammaan waalidiinta soo codsan doona, waxaa la yeelan doonnaa kulan guud, goorta uu dhacaayo, iyo meesha uu ka dhacaayo waa laydiin soo sheegi doonaa. Markay soo dhammaato isdiiwaan gelinta.

isdiiwaan gelinta waxay ku egtahay 14-11-2021.

Haddii aad caawin u baahan tahay soo wac taleefoonadaan

Mohamed Elmi 413 21 841

Mohamed Hasan 467 24 307

Riix Botomka hoose ee ku qoran Is diiwaan geli.