Asc reer Fredrikstad
Markale iyo sanadkaan, Jaaliyadda Fredrikstad waxay qabanaysaa barnaamijka ciidsiinta caruurta iyo dhalinyarada.
Sanadkaan Jaaliyada Fredrikstad waxay ciidsiinaysaa 100 caruur ah, iyo 100 dhalinyaro ah, guud ahaan 200. Sanadkaan caruurta waxay ku ciidi doonaan Svev Trampolinepark, oo ku taalla Sarpsborg. Sidoo kale dhalinyarada waxay barnaamijka ciidda ku qaadan doonaan Fredrikstad Kino.
Svev Trampolinepark waxaa soo codsan kara caruurta da’dooda ay u dhaxeyso 1 illaa 14 jir. Wixii ka weyn 14, waxay ka qeyb gali doonaan barnaamijka ciidda iyo dhalinyarada ee ka dhici doona Fredrikstad Kino.
Fiiro Gaar ah
Barnaamijkaan waxaa soo codsan kara caruurta kayar 14 jir ka ee ka qeyb galaysa Svev Trampolinepark. barnaamijka dhalinyarada kaweyn 14 jirka, markale ayaa lasoo dirayaa meesha laga codsanaayo.
Shuruudaha ka qeybgalayaasha lagu xulanaayo.
- Inaad degantahay Magaalada Fredrikstad
- Caruurta da’dooda inay u dhaxeeyaan 1-14 sano jir
- Inaad medlem /Xubin ka tahay Jaaliyada SVF, bixisayna medlemskap ka-
- Hadii aadan medlem/xubin ahayn, waxaa kaa jaanis badan qofka medlemka ah.
- Hadii aadan wali bixin medlemskap ka, waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad is diiwaan gelisid lana baxdid medlemskap. button ka hoose riix.
Waxaan kaa codsaneynaa fariinteena inaad lasii wadaagtid asxaabtaada aan ka warheyn barnaamijkaan ee ka qeyb gali kara.
Hadii aad tahay medlem la baxay medlemskap ka, waxaad iska diiwaan gelisaa xagga sare, bidix. meesha ay ku qoran tahay taariikhda, waqtiga iyo goobta, riix meesha ay ku qoran tahay Isdiiwaan geli Ama waxaad riixdaa bottom ka hoose ee ku qoran Isdiiwaan Geli
Isdiiwaan gelinta waxay ku egtahay maalinta Axadda ah oo ku beegan 16/04/2023 saacadda kl 18:00
Fadlan waqtiga soo buuxinta waa 5 berri kaliya, hadda soo buuxi, waqti kuuma harsana.
Wixii Su’aal ah kala soo xiriir
- Mohamed Cirfe 46724307
- Seid Ahmed: 97368850
Mahadsanidiin
Jaaliyada Fredrikstad