Asc reer Fredrikstad
Fadlan intaadan wax soo buuxbuuxin, akhri oo faham, qoraalka hoose oo dhan.
Markale iyo sanadkaan, Jaaliyadda Fredrikstad waxay qabanaysaa barnaamijka ciidsiinta caruurta iyo dhalinyarada.
Sanadkaan Jaaliyada Fredrikstad waxay ciidsiinaysaa 100 caruur ah, waxay ku ciidi doonaan Funplays ama loo yaqaan Eventyrfabrikken, oo ku taalla Sarpsborg.
Funplays waxaa soo codsan kara caruurta da’dooda ay u dhaxeyso 1 illaa 14 jir.
Shuruudaha ka qeybgalayaasha lagu xulanaayo.
- Inaad degantahay Magaalada Fredrikstad ama magaaloyinka deriska la’ah
- Inaad medlem /Xubin ka tahay Jaaliyada SVF, bixisayna medlemskap ka-
- Hadii aadan medlem/xubin ahayn, waxaa kaa jaanis badan qofka medlemka ah.
- Hadii aadan wali bixin medlemskap ka, waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad is diiwaan gelisid lana baxdid medlemskap. Riix button ka hoose ee ku qoran Medlem cusub.
- Sida loosoo kala hor codsaday ayaa loo kala xaq leeyahay.
- Medlem ka Jaaliyadda waxaa kusoo diri kartaa
Vipps Nr: 24454 AMA
Konto Nr: 1594 45 63285
Medlemskap: 300 kr qoyska oo dhan sanadkii
Waxaan kaa codsaneynaa fariinteena inaad lasii wadaagtid asxaabtaada aan ka warheynin barnaamijkaan ee ka qeyb gali kara.
Hadii aad tahay medlem la baxay medlemskap ka, waxaad iska diiwaan gelisaa xagga sare, bidix. meesha ay ku qoran tahay taariikhda, waqtiga iyo goobta, riix meesha ay ku qoran tahay Isdiiwaan geli Ama waxaad riixdaa bottom ka hoose ee ku qoran Isdiiwaan Geli
Isdiiwaan gelinta waxay ku egtahay maalinta Arbacada ah oo ku beegan 26/03/2025 saacadda kl 18:00
Fadlan waqtiga soo buuxinta waa 4 berri kaliya, hadda soo buuxi, waqti kuuma harsana.
FG.
Fadlan iska hubi inaa dirtay codsigaaga, hadii codsigaaga uu nasoo gaaray waxaa kuu soo baxaysa qoraal sidaan u qoran Takk, vi sender deg nærmere info.
Wixii Su’aal ah kala soo xiriir
- Mohamed Cirfe 46724307
- Said Shariif: 97368850
Mahadsanidiin
Jaaliyada Fredrikstad