Mer info om vårt nyhet om Korona

Xafladda xiritaanka Leksehjelp-ga

Asc Waalidiin.

Waxaa noo soo dhamaaday Leksehjelp ga. Maalmihii lasoo dhaafay waxaan ku jirnay, utviklings samtale, waan idinkaga mahadcelinaynaa dhamaantiin sidaad uga soo qeyb gasheen.

Maadaama lasoo gaaray dhamaadkii leksehjelp ga, Jaaliyadda waxay diyaarisay xaflad lagu soo gaba gabeynayo leksehjelp ga, kahor intaan la aadin fasaxa.

Xafladda waxaan ugu tala galnay inaan ku dhiiri gelino ardayda, waxaa loo qeybin doonaa shahaadooyin iyo hadiyado abaalmarin ah. Waalid waliba waxaan ka codsanaynaa, in maalintaas ay keenaan caruurtooda leksehjelp ga ka qeyb galay.

Xafladda waxay ka dhacaysaa Address: St. Croix gate 16, 1607 Fredrikstad, maalinta sabtida ah oo ku beegan, 11.06.2022, waxayna billaabanaysaa kl 14:30.

Hadii ay jiraan waalidiin ka qeyb qaadan kara DUGNAD/ ISXILQAAN, waxaan jeclaan laheyn, inay nagala qeyb qaataan, cuntada maalintaas meesha lagu cuno inay xaafadaha kusoo kariyaan.

Cuntooyinka hoos ku qoran, waxaad ka dooran kartaa mid ama labo kamid ah, inaad xaafadda kusoo sameysid.

  1. Vaffle
  2. Kake
  3. Sambuus
  4. Bur
  5. Malawax

Qofkii ka qeyb qaadanaayo isxilqaankaas, fadlan message noogu soo dir, magacaaga iyo cuntada aad dooratay inaad soo sameyn kartid,
Tlf: 46724307.

Markale kasoo qeyb gal wanaagsan, sidoo kale saaxiibaada waa ku casuumi kartaa inay kaala soo qeyb galaan, xaflada loo qabanaayo caruurtaada.