Mer info om vårt nyhet om Korona

Fariin caafimaad oo ka timid Fredrikstad Kommune.

Norsk oversettelse finner nederst i link under

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa jiray inuu xanuunka cudurka korona feeyrus kusoo badanayay magaalada Fredrikstad, kaas oo sababay inuu cadaadis saxmad aad u weyn ku sameeyo xarunta baarista korona senterka iyo telefoonka laga Waco kaaliyaasha caafimaadka ee xarunta koronaha.

Hadda waxaa muhiim ah inuu qofkasta ogaado talooyinka iyo awaamirta quseeyo.

  • Guriga joog hadii aad dareento calaamadaha hargabka
  • Qofkasta oo uu ku dhacay hargabka ama dareemayo calaamadaha hargabka waa inuu joogaa guriga, ayada oo loo eegin da,da, ama inuu qaatay tallaalka koronaha ama inuusan qaadan.

Ma qabtaa hargab ama astaamo u dhaw xanuunka hargabka?

  • La xariir xarunta karoonaha si aad u balansato saacad lagaaga baaro xanuunka feeyruska karoonaha.
  • Wac telefoonka Coronaha tel. 69 38 11 08 ama soo gudbi foom dijital ah.
  • – Carruurta yaryar waa in sidoo kale la baaro haddii ay qabaan hargab.
  • Dhamaan caruurta waxaa laga qaadi karaa baaritaan fudud oo sanka ah.
  • Degmada Fredrikstad ma bixiso baaritaan liiska tagi karo ayada oo aanan waqti balan la sameeysan.

Ha aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan baaritaan deg deg ah?

  • Dhamaan carruurta iyo dhallinyarada laga qaaday baaritaanka feeyruska karoonaha sababo la xariira kiisaska feeyruska koronaha kaas oo ka dhaco iskuulada ama xanaanada waxeey fariin ku heli doonaan barnaamijka Vigilo.
  • Dhamaan kiisaska leh xariirka dhaw waa in laga qaadaa baaritaan degdeg ah sida ugu dhaqsiyaha badan kadib maalinka la ogaado baaritaanka cudurka.
  • – Gurigaaga joog ilaa aad ka hesho jawaabta baaritaanka koowaad (oo baaritaanku ma ogaan karto caabuqa.

Xaalada aan kujirno haatan dhaqaatiirta waaxda caafimaadka iyo degmada Fredrikstad waxeey ku dhiirogelinayaan dhalinyarada iyo caruurta laga reebay sharciga karantiilkan sababo la xariiro baaritaanka ineey yareeyaan ka qeeybgalka kulamada, meelalaha bulshada aay iskugu timaado, ka qeybgalka ciyaaraha laga qeybgalo waqtiyada firaaqada, isdhexgalka bulshada iyo meelaha ka baxsan iskuulada iyo xannaanada caruurta ilaa xaaladdu ka caddaato ama aay noqoto mid hufan.

Tallaal

Weli miyaadan qaadan tallaal ? Markaa waxaad imaan kartaa xarunta tallaalka markii aad rabto inta u dhaxeeyso  08.30 iyo 20.30 maalmaha shaqada. Kaliyeh waa dadka aanan qaadan weli tallaalka 1aad ama halka cirbad.

Baahi weyn

Xarunta koroonaha waxeey u mahadnaqeeysaa guud ahaan bulshada sida aay u muujiyeen dulqaad dheeri ah. Xarunta karoonaha waxeey la kulantay maalmahii ugu dambeeyay baahi weyn, waxaane soo fuushay cadaadis xoog leh, taas oo sababtay dadka laga qaadayo baaritaanka oo saaid u batay.  Sidaas darteed waxaan u sheegeeynaa bulshada ineey nala fahmaan, hadii aay la kulmaan sugitaan dheer waqtiga aay soo wacayaan telefoonada xarunta.

Qoraalkaan waxaa idiin soo tarjumay, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Fredrikstad.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo Norsk ah, riix link ga hoose

Klikk her på Norsk Tekst