Mer info om vårt nyhet om Korona

Xaflad dhiirigelin ah.

Assalaamu Caleykum bulsho.

Maalinta sabtida ah, oo ku beegan 11.06.2022, waa sabtida soo socota oo berri naga xigta, Jaaliyadda Fredrikstad waxay xaflad dhiiri gelin ah u qabanaysaa, arday Leksehjelp ay u sameynaysay, 6 dii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaa abaalmarin iyo shahaadooyin gudoonsiinaynaa, ardaydii Leksehjelp ka faa’ideysatay, gaar ahaan fasallada 5’aad illaa fasalka 9’aad.

Waxaa sharaf noo ah, adiga iyo asxaabtaada inaad nagala soo qeyb gashid, dhiiri gelinta aan u sameynayno, ardaydaas wali ku jirta waxbarashada.

Hadii aad waalid tahay, ama magaalada ku cusub tahay, waa fursad muhiim ah, aad ku ogaan kartid waxbadan, iskuna baran kartaan adiga iyo Jaaliyadda Fredrikstad.

Xafladda waxay ka dhacaysaa..
Address: St.Croix gt. 16, 1607 Fredrikstad (Fredrikstad Sentrum)
Dato: 11.06.2022
Kl: 14:30

Xafladda waxaa ka marnaan doonin, muxaadirooyin diini iyo maadi ah, oo dhalinyarada lagu dhiiri gelinaayo, hadii ay kuu joogaan dhalinyaro, horey usoo kaxeyso.

Markale gacmo furan baan idinku soo dhaweynaynaa.