Mer info om vårt nyhet om Korona

Ciid wanaagsan- Hambalyo

Waa muhiim inaad wada akhrisid fariintan !!!

Hambalyo dhamaan waalidiinta iyo caruurta ka faa’ideysanaysa barnaamijka ciidda ee jaaliyadda. Waxaan idin leenahay ciid wanaagsan.

Fadlan ilaali sharciyadaan.

  1. Cunto aad kaso qaadatay gurigaaga kuma dhex cuni kartid Eventyrfabrikken.
  2. Adiga iyo ilmahaaga waa inaad xirantihiin sigisaan, iskaalsho ama sharabaadyo. Hadii aad soo illowdid waxaad ka iibsan kartaan Eventyrfabrikken dhexdeeda.
  3. Caruurta waa inaa ka ilaalisaa inay taabtaan meelaha aan loogu tala gelin in lagu ciyaaro, waa in aysan isticmaalin wax aysan iibsan, sida ICE creem ka.
  4. Ilaali sharciyada kale ee u yaala Eventyrfabrikken, sida sharciyada xanuunka Korona virus ka.
  5. Sharciyada qaarkood hadaad jebisid, sida midka cuntada, inay meesha kaa saaraan ayay xaq u leeyihiin.
  6. Inta aad joogtid halkaas, waxaad tahay qof metalaya qofkasta oo ajnabi ah, islaam ah, madow ah, Soomaali ah, sidaas darteed noqo tusaale, u dhaqan sida ugu wanaagsan.

Waqtigayada ay furan yihiin Eventryfabrikken iyo Leo’s Lekeland

Kl 10:00 illaa kl 19:00 Eventyrfabriken

Kl 09:00 illaa kl 19:00 Leo’s Lekeland

Yaa ku caawinaya markaad timaadid Eventyrfabrikken

Jaaliyada waxay kuu diyaarisay 5 qof oo kaa caawinaya ticket ka albaabka lagu gelayo. dadkaas waxay joogaan inta u dhaxeysa kl 10:00 illaa kl 16:00. Waqtigaas inta u dhaxeysa hadii aad timaadid, waa lagu caawin karaa.

Magacyada dadka ku caawinaya, taleefanadooda iyo waqtiyada aad heli kartid.

Mohamed Amaleti401 73 251Kl 10:00-12:15
Abdirsaq Ahmed912 27 187kl 10:00-14:00
Mohamed Cirfe467 24 307Kl 12:15-14:30
Mohamed Ilmi413 21 841Kl 14:30-16:00
Ahmed Yare481 87 374Kl 14:00-16:00

Waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo lagu hubinayo inaad tahay qofkii saxda ahaa.

Tirada ilmaha ee laguu ogolaaday wixii ka badan, adiga ayaa iska bixinaya lacagtooda.

Hadii aad dooratay Leo’s Lekeland, 3 saac kaliya ayaad ku jiri kartaa meesha, kadib waa lagaa soo saari karaa hadii dadka badan yihiin.

Xusuusin

Mudane/Marwo waalid, hadii aadan bixin lacagta medlem ka jaaliyada ee sanadlaha ah, sanadka 2020 ka, fadlan iska bixi, waxaad xaq u yeelanayaa fursadaha noocaan oo kale ah inaad ka faa’ideysatid.

Sanadkii waa 300 kr. Qoskii.

Vipps number 24454

Konto number 159 445 63285

Fiiro Gaar ah.

Tirada galeysa gudaha way xaddidan tahay, sababo la xiriira Korona virus, markiiba waxaa gudaha loo ogol yahay inay ku jiraan 200 oo qof, hadii ay kaa buuxsanto, waa inaa bannaanka ku sugtaa, inta qof kale oo gudaha ku jira uu kasoo baxaayo.

Markale ciid wanaagsan

Jaaliyada Fredrikstad