Mer info om vårt nyhet om Korona

Hyttetur, Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo waalidiintooda

Jaaliyadda Fredrikstad waxay qabanaysaa barnaamij labo maalin oo Hyttetur ah, oo loo qabanaayo qoysaska haysta caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo hooyooyinkooda.

Barnaamijka wuxuu dhacayaa fasaxa Høstferie ha, oo ku beegan 02.10.2023 illaa 04.10.2023 (waa Isniin, Tallaado iyo Arbaco).

Hyttetur ka waxaa loo aadayaa Strandstua, Engelsviken. waxaan haynaa 24 boos. sida loosoo kala hor codsaday baa loo kala mudnaan doonaa. codsiga wuxuu ku egyahay 26.09.2023.

Fadlan hadii aad taqaanid qoys haysta ilmaha baahiyaha gaarka ah qaba, lasii wadaag link ga

Si aad isku diiwaan geliso, riix bottom ka hoose