Mer info om vårt nyhet om Korona

Furitaanka Leksehjelp ga 2022-2023

Asc waalidiin.
Fadlan qoraalka wada akhri….

Sidaad la socoteen waxaan ku maqnayn inaan idiin soo sheegno maalinta iyo saacadda uu billaabanaayo Lekshjelp ga.

Lekshejlp ga wuxuu billaabanayaa helga ha soo socda taariikdu tahay 15-10.2022 saacadda kl 12:00 illaa kl 15:00

Helga soo socda waxaan ku billaabaynaa fasallada 5’aad illaa 9’aad.

Fasalka 10’aad, iyo fassallada dugsiga sare, dib ayaan u dhignay, waqtiga gadaal ayaan kasoo sheegaynaa.

Lacagta halkii arday uu bixinaayo waa 300 Kr. Iyo lacagta medlem ka qoyska oo ah 300 Kr.

Tusaale ahaan  hadii aad labo cunug wadatid, waxaad bixinaysaa
2 X 300 kr = 600 kr + 300 kr oo medlem ka ah, lacagta guud ee lagaa rabo waa 900 kr.

Kontonummer: 1594 45 63 285

NB
Lacagta medlem ka, waa lacag bisha ugu horeysa kaliya la bixinaayo. Oo sanadkii halmar ah. Waalidkii bixiyay sanadkaan 2022, lagama rabo markale inuu bixiyo.

Lacag bixinta waxaad haysataa, inaad ku bixisid inta u dhaxeysa,
12-10-2022 illaa 25-10-2022.

Qorshaha helga koowaad waa sidan.

  • 30 daqiiqo oo furitaanka barnaamijka iyo isbarasho caruurta ah
  • Maalintaas inta ka dhiman iyo maalinta ku xigta waxaa noo sii soconaayo Leksehjelp ga,
  • Helga ha koowaad ma jiri doono barnaamijkii dhisidda caruurta, Helga ha labaad ayuu billaaban doonaa insha’allaah.

Ugu danbeyn waxaa markale idinka codsanaynaa oo idin xasuusinaynaa, inaad ilaalisaan waqtiga aan ku ballanay lacag bixinta, iyo waqtiga lekshjelp ga.

Waxaan inoo rajeenaynaa, in guul noogu billowdo, nooguna dhammaado insha’allaah.