Mer info om vårt nyhet om Korona

Wargelin

Assalaamu calaykum.

Waxaa maantay inoo billaabanaysaa asbuucii labaad ee barnaamijkeenii Leksehjelp ga caruurta.

Nasiibdarro asbuucii hore wuxuu ahaa asbuuc qoysas badan ay ku jireen Karanteena, sidoo kale asbuucaan waxaa karanteena galay qoysas hor leh, kuwo kalena way soo dhameysteen Karanteena ha. dhammaan allaha u sahlo intii xanuunsan.

Waxaan wali ku jirnaa isku daba ridka, iyo sharci u sameynta Leksehjelp ga. asbuucaan waxaa billaabanaayo jadwal cusub oo Leksehjelp ga uu ku socon doono. waana sidaan hoose:

Klokkeslett Lørdag Søndag
12:00 – 12:50Naturfag LeksehjelpNorsk Leksehjelp
12:50 – 13:0010 minutter Pause 10 minutter Pause
13:00 – 13:50Matte LeksehjelpMatte Gjennomgå av tidligere pensum
13:50 – 13:0510 minutter Pause10 minutter Pause
13:05 – 13:55Matte LeksehjelpEngelsk Leksehjelp
Jadwalka Leksehjelp ga iyo soo dhisidda caruurta

Fadlan caruurta xasuusiya inay horey usoo qaataan maadooyinka maalintaas laga caawinaayo buugaagtooda, sidoo kale arday waliba waa inuu soo qaataa buug wax lagu qoro.

Markale waxaan idin xasuusinaynaa maqnaanshaha caruurta, wixii aan ka ahayn Korona, aad bay noo dhibaysaa, waxay culees ku tahay, ilmaha laftigiisa, fasalka uu kamidka yahay, iyo sidoo kale macalinka caawinaayo. sidaas darteed maqnaanshaha waa inaan aad u yareenaa, sidoo kale maqnaansho nooc kasta ay tahay, waa inaad soo wargelisaa maamulka Leksehjelp ga, Khadiijo: Tl 973 24 370, soo wac ama message usoo dir, adigoo soo qoraayo magaca ilmaha iyo klass ka uu dhigto.

Xasuusin. Fadlan caruurta guriga ku haay hadii aad ku aragtid wax Korona looga shakin karo, xitaa hargab.