Mer info om vårt nyhet om Korona

Warbixin.

Asc waalidiin. (Fadlan qoraalka wada akhri, waa muhiim!!)

Shalay waxaa inoo billowday Leksehjelp ga qeybtii labaad oo billaabanaysay kl 15:00 illaa 17:00. Waad mahadsantihiin intiinii shalay soo xaadirtay, inta kale maantay inaad timaadaan baan rajeenaynaa.

Jadwalka Leksehjelp sidaan hoose ayuu noqon doonaa.

TidLørdagSøndag
15:00 – 17:00LeksehjelpLeksehjelp

Arday walba waa inuu horey usoo diyaarsado casharada laga caawinaayo ee ku adag, sidoo kale ardaygu waa inuu soo qaataa buug wax lagu qoro iyo qalin, iyo sido kale computer kiisa.

Dhaqaalaha
Dhinaca dhaqaalaha, waa 300 kr bishii arday walba, waxaa intaas dheer, bisha koowaad waa in qoys waliba uu bixiyaa 300 kr oo medlem ka jaaliyadda ah, waa sanadkii halmar.

Tusaale ahaan, waalidkii keensanaya hal arday, bisha koowaad waxaa laga rabaa 600 kr. (300 kr oo lacagta bisha ah, iyo 300 kr oo lacagta medlemka sanadlaha ah). Hadii aad wadatid labo arday, waxaad bixinaysaa 900 kr.

Lacagta medlem ka hadii aad bixisay sanadkaan gudahiisa, lagaama rabo markale inaad bixisid.

Oppsigelsestid (Ka bixitaanka Leksehjelp)
Hadii caruurtaada aad kala baxaysid Leksehjelp ga, waa inaad soo sheegtid xilli hore, ugu yaraan labo bilood kahor. Waayo booskaaga waa in loo raadiyo qof buuxinaayo. si aysan u abuurmin culees dhaqaale, waayo macalimiinta waxay ku shaqeeyaan Timelønn.

Tusaale ahaan, hadii aad soo sheegtid inaad joojinaysid Leksehjelp ga, soona sheegtid kala bar bisha lagu jiro intaan la gaarin, labada bilood ee oppsigelsestid-ka waxaa lagu xisaabinayaa bisha lagu jiro iyo bisha soo socoto. Sidaas darteed, labaas bilood waa inaad kasii mid ahaatid leksehjelp ga, ama lacagtooda sii bixisid, hadii aad joojinaysid. Sidoo kale hadii la helo qof booskaaga buuxin karo, waa lagu fasixi karaa.

Waqtiga lacag bixinta
Lacagta bisha waxaa la bixinayaa ugu danbeyn bil walba 12-keeda. Tusaale ahaan, bisha hadda billaabatay lacagteeda, waa in waalid walba uusoo bixiyo kahor 12.03.2022. waxaad kusoo diraysaa akoonka Jaaliyada oo ah. Kont nr: 1594 45 63285

Nadaafadda
Maalin waliba oo Axad ah iskuulka waa la nadiifiyaa kahor inta aysan idiin billaaban waqtigiina, sidaas darteed waxaan idinka codsanaynaa, inaydaan isticmaalin meel aan ahayn fasalka laydin kugu tala galay. Sidoo kale soo nadiifisaan fasalka aad isticmaasheen, kursi walibana la dul saaro miiska.

Ilaalinta qalabka iskuulka.
Qof walba oo waalid ah masuuliyad baa ka saarin in wax dhib ah lasoo gaarsiin qalabka iskuulka, sidaas darteed sawir ka qaad, soona sheeg, hadii aad aragtid qalab halaysan.

XASUUSIN!!!
Waa xasuusin naga ah, inaad ilaalisaan waqtiga uu billaabanaayo Leksehjelp ga. Sidoo kale ilaalisaan ardayga inuusan ka maqnaan Leksehjelp ga.

Mahadsanidiin..