Mer info om vårt nyhet om Korona

Warbixin barnaamijka ciidda.

Asc waalidiin. (Ciid mubaarak)

Waan u mahadcelinayaa qofkasta oo idinka mid ah oo soo codsaday barnaamijka ciidda.

Sidaad la socoteen billowgii asbuucaan waxaan soo xayaysiinay barnaamijka ciida ee Jaaliyadda, waxaa soo codsaday caruur aad uga tira badan tiradii aan awoodnay inaan ciidsiino.

Halkaan waxaa kusoo koobaynaa su’aalaha maskaxdaada kusoo dhici kara jawaabtooda.

Su’aal: Meeqo caruur ah baa soo codsatay?
Jawaab: Waxaa soo codsaday 197 caruur ah (64 qoys)
Su’aal: Meeqo caruur ah ayaa waalidoontooda ay bixiyeen medlem ka jaaliyadda?
Jawaab: Waxaa medlem-ka bixiyay 147 caruur ah (45 qoys).
Su’aal: Meeqo caruur ah ayaa ku guuleystay inay ka qeyb galaan barnaamijka ciidda?
Jawaab: Waxaa nasiib u yeeshay inay ka qayb galaan 120 caruur ah.
Su’aal: Waxaad xayaysiiseen 100 ticket ah, waa maxay 20 ticket aad kusoo kordhiseen?
Jawaab: Waa SAX, 100 ayaan ku tala galnay, lkn dadka soo codsaday ee medlem-ka bixiyay oo aad u tiro batay, waxaan go’aansannay inaan ku kordhinno 20 ticket-ah, intaas way dhaafi wayday tabarteena.
Su’aal: Meeqo caruur ah oo medlem ah ayaa laga tegay?
Jawaab: Waxaa laga tegay 27 caruur ah, oo waalidiintooda ay bixiyeen Medlem-ka
Su’aal: Ma jiraa Waalid bixiyay medlem-ka oo aan waxba helin caruurtooda?
Jawaab: MAYA, waalidkasta oo bixiyay medlemka jaaliyada caruurtiooda waxbay heleen.
Su’aal: Qaabkee 45 qoys oo wata 147 caruur ah, ugu qeybiseen 120 ticket?
Jawaab: Mararka qaar way adagtahay, lakiin annagoo ku dadaalayna inaan laga tagin qoys medlem bixiyay, waxaan go’aansannay in qoys waliba tirada ilmaha uu soo diiwaan gashaday wax laga reebo. Tusaale ahaan, qoyskii 2 ama ka yar soo codsaday waxba lagama jarin, lkn kabadan qoyskii soo codsay waxbaa laga jaray, si dadka loo wada deeqsiiyo.
Su’aal: Sidee ku ogaan karaa inaan helay ticket iyo inkale?
Jawaab: Haddii aad soo soo dirsatay codsiga, ugu danbeyn Jimce ha, sidoo kale aad soo bixisay medlem Jaaliyadda, ugu danbeyn jimci-hii shalay, ama kahor, waad heshay Ticket, waana lagu soo wacayaa.
Su’aal: Haddii aan lay soo wicin, maxaa sabab u ah?
Jawaab: Haddii aan lagu soo wicin, sababtu waa inaadan helin Ticket, sababtoo ah maadan soo bixinin medlem jaaliyadda. Laakiin haddii aad aaminsantahay inaad bixisay medlem ka jaaliyadda, soona bixisay jimce ha ama kahor, fadlan nasoo wac, tlf 46724307
Su’aal: Sidee ku helayaa Tickets aan ku guuleystay?
Jawaab: Waa lagu soo wacayaa, waqtiga aad heli kartid baa lagu sheegayaa, lkn goobta aad kasoo doonanaysid ticket ka waa xafiiska jaaliyadda Adress: ilaveien 32, 1605 Fredrikstad.

Ku saabsan Eventyrfabrikken
Eventyrfabrikken waxay ku taallaa Sarbsporg Adress: Vestengveien 40, 1725 Sarpsborg. Waxay furantahay Isniinta laga billaabo kl 11:00 illaa 19:00.

Kaarka (Ticket) Eventyrfabrikken wuxuu kuu shaqeynayaa muddo hal sano ah, maalinta aad rabtid ayaad aadi kartaa.

Eventyrfabrikken waxay soo kordhiyeen in waalidiinta sidoo kale ay bixinayaan lacag albaabka lagu gelaayo, waalidkasta wuxuu bixinayaa 39 kr.

Cunto lama soo qaadan karo, lkn cunto xalaal ah waxay hayaan vegeterian pizza,  sidoo kale ilmaha waa inay xiran yihiin sigisaan/iskaalsho

Ugu danbeyn, qofkasta oo waalid ah waxaan ka codsanaynaa inuu ilaaliyo sharciyada u dagsan eventyrfabrikken, caruurtaada ka ilaali inay isticmaalaan, wax aan loo ogoleyn, waxaad tahay safiir matelaayo, qofkasta oo Soomaali ah, muslim ah sidoo kale madoow ah.

Markale Ciid wanaagsan dhammaantiin, nagu salaama caruurtiina.

Jaaliyadda Fredrikstad