Mer info om vårt nyhet om Korona

Jadwalka nadaafada.

Asc waalidiin.
Sidii ballantu ahayd, kulankeenii u danbeeyay intaan fasaxa vinterferie ha la galin, waxaan ku ballannay in jadwal aan usoo sameyn doonno, hawsha nadaafadda maalinta Axadda.

Sawirka hoose sida ka muuqata, 22 waalid ayaa ka diiwaan gashan Leksehjelp ga, waxaan u qeybinay sedex kooxood, 6 illaa 7 qof ayay ka kooban tahay koox walba. Midab gaar ah ayaan ku callaamadinay koox kasta. Sidoo kale qof gudoomiye ah ayaan u sameynay koox walba.

Qof walba maalinta/taariikhda uu nadaafadda ku qoran yahay, waxaa ku qoran xarafka «X» oo ku beegan diilinta uu ku qoran yahay magaciisa.

Tusaale ahaan, maantay oo Axad ah, Uke 9, 06.03.2022, waxaa ku qoran shanta qof ee magacooda ugu sareeyo diiwaanka iyo Abdullahi Hassan Nur oo gudoomiye u ah.

Gudoomiyaha kooxda waxaan ka codsanaynaa, maalinta kooxdiisa ay ku qoran tahay, inuu xasuusiyo kooxdiisa, marka caruurta ay keenayaan Leksehjelp ga.

Jadwalka nadaafadda waa labo bilood oo kala ah, bisha Marsj iyo April. waalid kasta labo jeer ayay kusoo aadaysaa nadaafadda.

Hadii ay jirto wax aadan fahmin, maantay markaad timaadid leksehjelp-ga, waxaad weydiin kartaa maamulka Jaaliyadda/Leksehjelp-ga qofkii ka jooga, ama soo wac taleefanka ah 46724307.

Fiiro Gaar ah
Haddii aadan imaan karin maalinta aad ku qoran tahay nadaafadda, usoo sheeg waalidka labaad ee ilmaha soo kaxeenaayo, in uu booskaaga buuxinaayo.