Mer info om vårt nyhet om Korona

Ogaysiis

Fariintaan waxay ku socotaa, dadkii Glemmenhallen ku ciyaarayay sanadkii lasoo dhaafay, ama ku ciyaari jiray sanadihii hore.

Waxaa soo dhawaatay waqtigii la furi jiray garoomada kubadda lagu ciyaaro, xilliga xagaaga ah, sidaas daraadeed, isdiiwaan gelinta iyo lacag bixinta garoomada way billowdeen, hadii sanadkaan aad rabtid, glemmenhallen inaad ku ciyaarto, fadlan fariin u dir Ahmed Naaji, oo masuul ka noqon doona Glemmenallen sanadkaan. U sheeg sanadkaan inaad ciyaaraysid.

Taleefanka: 912 52 725

Illaa maalinta Axadda oo ku beegan 28.08.2022, qofkii aan soo jawaabin, waxaan u fahmaynaa sanadkaan inuusan kubbad ciyaarayn, sidoo kale tiradii la rabay oo garoonka ku furmi karo, hadii la gaari waayo, SVF way iska xiri doontaa Glemmenhallen sanadkaan.
Mahadsanidiin.